Dhagxaantii lagu xiray wadooyinka Muqdisho oo la qaaday

Muqdisho (RH)-Ciidamada booliska ayaa tan iyo xaley waxa ay magaalada Muqdisho ka qaadayeen dhagxaanta lagu xiray wadooyinka muhiimka ee ku yaalla caasimadda, kuwaasoo loogu talagalay in looga hortago gawaarida qaraxyada ka buuxa ee Shabaab ku weeraraan xarrumaha dowladda iyo hotelada.

Inta badan wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa laga qaaday dhagxaanta shubka ee la dhigay.

Afhayeenka booliska Soomaaliya, ayaa saxaafadda u sheegay in badi wadooyinka Muqdisho dib loo furay dibna loogu oggolaaday inay adeegsadaan gaadidka dadweynaha.

Wadooyinka dib loo furay ayaa xirnaa muddo ka badan saddex sanno, waxaana dhib ku qabay shacabka magaalada Muqdisho.

Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay dib u furista wadooyinka maanta la furay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category