Garowe oo ka faa’ideysanaysa Tamarta Qoraxda iyo Dabaysha

Garowe (RH)- Magaalada Garowe ee xarrunta Puntland, ayaa waxa ay si weyn uga faa’ideysanaysa korantada laga dhaliyo qoraxda iyo dabayshe.


Dhulka Soomaalidan waa dhul kulul waxaana saameen ku haya abaaro soo noqnoqday.

Magaalada Garowe ayaa isku dayase in cad-ceeda iyo dabeysha ay uga faa’ideysato, koranto laga dhaliyay qoraxda ayey isticmaalaan dadka magaalada Garowe, in kastoo weli aan laga wada guurin matoorada.


Shirkadda Tamarta Soomaaliyeed (NECSOM,  ayaa shaqeeeneysay muddo ka bada labo sanno, waana maalgashigii ugu horreeyay ee noocaas ah oo laga hirgaliyo Puntland.

Axmed Xujaale oo waxa uu ka mid yahay injineerada aasaasay shirkadan, waxa uu sheegay in shirkadooda ay u shaqeeso afar qeyb kuwaasoo kala ah matoorkii, dabeeshii, qoradii iyo batarida lagu buuxiyo dabka.

Soolarada lagu dhaliyo dabka ee Garowe lagu aasaasay waa kuwa lagu rakibay qalab casri ah, waxaana ay koronto siiyaan magaalada oo dhan, sida uu sheegay weriyaha BBC-da Axmed Xasan.

Shirkadda ayaa hadda soo saarta 3.5 Megawat oo koranto ah oo magaalada oo dhan ay ku tiirsan tahay.

Waxaa la filayaa in magaalooyin kale oo ku yaalla Puntland in la gaarsiiyo dabka sidan lagu dhaliyo.

Garowe kama jiraan warshado waaweyn oo korantadan isticmaala, waana tan keentay in habeenkii uun la isticmaalo dabka ay bixiso shirkadan.

Qaramada Midoobay ayaa hadda u ololeeneysa in sidii loo isticmaali lahaa korantada laga dhaliyo cadceeda iyo dabaysha si loo yareeyo gaaska hawada wasaqeeya.

Category