Golaha Shacabka oo dib u ceilyay Ra’isul Wasaare Rooble oo doonayay inuu Xildhibaannada hadal u jeediyo

Hadal jeedin la filayay in maanta uu Golaha Shacabka Soomaaliya ka jeediyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa baaqatay kaddib markii xildhibaannada ay ka cudur daarteen inuu hor imaado Ra'iisul Wasaaraha.

Qorshuhu wuxuu ahaa in Ra'iisul Wasaare Rooble uu baarlamaanka ka jeediyo khudbad uu uga warbixinayo boqolkii maalmood ee ay xukuumaddiisa jirtay.

Hase yeeshee mudaneyaasha ayaa sheegay in sida sharciga ah la doonayo in Ra'iisul Wasaaraha Warbixintiisa uu soo gudbiyo 24 saacadood ka hor inta uusan baarlamaanka imaanin, taasina aysan dhicin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Mursal, ayaa ugu dambeyn sheegay in Ra'iisul Wasaare Rooble uu baarlamaanka imaan doono maalinta Arbacada ah

 

xigasho BBC

Category