Golaha wakiiladda Somaliland Oo Kalsoonidii kala Noqday Gudoomiyaha Xisbiga Ucid

Hargeysa(RH):-Guddida joogtada ah ee Golaha wakiiladda Somaliland ayaa maanta soo jeediyey in xasaanada laga qaado gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe

Guddida joogtada ah ee Golaha wakiiladda Somaliland oo Shir-jaraa’id ku qabtay xarunta golaha wakiillada Ee Magaalada Hargeysa ayaa iyagoo daliishanaya Qodobbo ka mid ah Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland waxay sheegeen inuu Guddoomiyuhu ku gefay Xildhibaannada golaha wakiillada ee laga soo doorto Gobollada bariga, sidasi darteedna ay soo jeedinayaan in xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland inuu ku soo oogo eedaymo salka ku haya kicin dadweyne oo ay sheegeen inuu ka dhalan karo xadhig u dhexeeya 6 Bilood ilaa 5 sano kaas oo uu wajihi karo Gudoomiyaha xisbiga UCID.

Gudoomiyaha xisbiga UCID in Faysal Cali Waraabe, in uu yahay qof aan qaadi karrin masuuliyad Qaran, khatarna uu  ku yahay Amniga iyo midnimada umadda Somaliland.

Sidaasi darteed waxaa guddida joogta ah ee golaha wakiiladu  soo saareen go’aamadan

1 In maanta laga bilaabo uu yahay nin aan ixtiraamin kuna dhaqmin dastuurka iyo xeerarka dalka

2 Laga bilaabo maanta in aan loola dhaqmin loona aqoonsan in uu yahay guddoomiyaha xisbiga UCID, wax wada shaqeyn ahna aanay la yeelan golaha wakiiladdu, xukuumadda laamaha kala duwan iyo hay’addaha caalamka ee inaga caawiya dimuquraadiyada.

3  In guddida diwaangelinta urrurada iyo ansixinta asxaabta Qaranku ka qaado xasaanada, si talaabo sharciga waafaqsan looga qaado Faysal Cali Waraabe oo baalmaray   xeerarka kor ku tilmaaman.

4 In xeer ilaalayaha guud ee Qaranku ku oogo dhammaan danbiyada ka dhashay hadalkii Faysal Cali Waraabe warbaahinta siiyay.

Waxaana Go"aamadan saxeexay  laba toban xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha Golaha wakiiladda Somaliland

 

Geesta kale Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Warbaahinta la Hadley ayaa Gees iskaga leexiyey Eedahaasi ay u soo jeediyeen Guddida joogtada ah ee Golaha wakiiladda Somaliland ,isla markaana waxaa uu sheegay in aanu jirin wax Dambi ah oo uu galay Waxaanu yidhi"Wax weyn uma arko Go'aanka Guddida joogtada ah ee Golaha wakiiladda, Mana jiro dambi aan galay" Ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

 

 

Category