Golaha Wakiilladda Somaliland Oo Ansixiyay Mooshin La Horkeenay

Hargaysa(RH):-Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland ayaa golahaasi u soo gudbiyay mooshin la xidhiidha hab-raaca xil gudashadda haayadda Caymiska iyo fulinta go’aamadda maxkamadda sare.

Mooshinkaasi oo ay golaha u soo gudbiyeen 20 xildhibaan ayay u jeedadiisu tahay in ay goluhu soo saaraan go’aan golle oo la xidhiidha hab-raaca xil-gudashadda haayadda Caymiska qaranka iyo fulinta go’aanka maxkamadda sare.

Mooshinkaasi oo golaha la hor keenay ayaa  waxaa golaha ka hor akhriyay mooshinkaasi iyo waxa uu ku saabsan yahay xildhibaan C/rashiid C/laahi, oo ah guddoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha Wakiiladda Somaliland.

U jeedadda mooshinkaasi ayay xildhibaanadaasi u cuskadeen in iyagoo ka duulaya qodobka 42aad ee xeer hoosaadka golaha Wakiiladda Somaliland ee xeer LN.12/2020 oo dhigaya in ay mudaneyaashu xaq u leeyihiin in ay soo gudbiyaan oo ay soo qoraan codsi mooshin

Kaa soo ay ku soo hagaajinayaan xoghayaha guud ee golaha Wakiiladda, sidoo kalena in iyadoo maanka ku hayaan nuxurka ku tilmaaman xeerka Caymiska qaranka 92/2021 iyo ahmiyadda balaadhan ee ay xanbaarsan yihiin addeegyadda ay haayadda caymisku qaranka u xil saaran tahay.

Waxaa kaloo ay xildhibaanadaasi soo jeedintoodda ku sheegeen in iyadoo sidoo kale ahmiyad siinaya cabashooyinka ay golaha Wakiiladda u soo gudbiyeen ganacsatadda gaadiidleyadda dalku, isla markaana tixgelinayna duruufaha iyo qabyadda la xidhiidha Caymiska.

Sidaas darteed Mooshinka ay 20-kan xildhibaan golaha u soo gudbiyeen waxay u soo jeediyeen in ay go’aan golle ku soo saaraan qodobo ay ka mid yihiin, in goluhu ayiddo go’aankii maxkmadda sare ee ku taariikhaysnaa 18-kii bishii 9aad ee 2021-ka.

In haayadda Caymiska qaranku xilkeedda u gudato si waafaqsan dastuurka dalka iyo shareecadda islaamka iyo sidoo kale in haayadda Caymiska qaranku hakiso, dhamaanka addeegyadii caymiska ee ay shirkaduhu bixiyaan.

Intaasi ka dib garyaqaanka golaha Wakiiladda ayaa xildhibaanada la wadaagay sharcinimada mooshinkaasi iyo in uu waafaqsan yahay xeer hoosaadka golaha iyo dastuurka.

Waxaanu shir-guddoonka iyo mudaneyaasha u sheegay inuu mooshinkaasi sharci waafaqsan yahay xeer hoosaadka golaha iyo dastuurkaba.

Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland C/rasaaq Khaliif Axmed, ayaa cod galiyay mooshinkaasi sharci ee xildhibaanadu soo jeediyeen.

 

Fadhigaasi ayaa waxaa xaadirey 51 mudane, ayaa markii codka loo qaaday mooshinkaasi waxaa ogolaaday 43 xildhibaan, waxaana diiday 5 mudane, halka 2 xildhibaan-na ay ka aamuseen, guddoomiyuhuna muu codaynin.

Sidaasina waxaa ku ansaxay mooshinka sharci ee ay 20-ka xildhibaan u soo gudbiyeen golaha Wakiilladda

 

 

Category