Ilhaan Cumar oo ka mid noqotay Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka

Minneapolis (RH)- Ilhaan Cumar ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in ay ka mid noqotay golaha Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka, waxaana gobalka Minnesota ka socota dabbaaldagyo waaweyn oo ay dhigayaan dadka Soomaalida.

Ilhaan waa gabadhii ugu horraysay ee Soomaali ah, muslim ah, oo soogalooti ah oo ka mid noqotay golaha aqalka hoose ee dalka Maraykanka.

Waxa ay baddeshay Keith Ellison oo sannadii 2006-dii noqday qofkii ugu horreeyay musli ah oo xubin ka noqda Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka.

Ninkan muslimka ah ayaa isna hadda la filayaa inuu ku guuleysto xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Minnesota oo uu u tartamayey.

Ilhaan oo guusheeda ka hadashay

Ilhaan Cumar ayaa markii la sheegay in ay ku guulaysatay kursiga Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka, waxa ay la hadashay dad aad u fara badan oo ku sugnaa Minneapolis kuwaasoo isugu jira Soomaali, muslimiin iyo madow iyo cadaan, waxaana ay sheegtay in guusheeda ay farriin u tahay madaxweyne Donald Trump iyo xisbigiisa Jamhuuriga, iyadoo sheegtay in Mareykanka uu yahay dal lawada lee yahay oo dadka oo dhan u simman oo cid gaar ah aan awoodda isa siin karin.


Guusha Ilhaan iyo falcelinta Soomaalida

Dadka Soomaalida ee deggan gobalka Minnesota, ayaa soo dhaweeyay guusha Ilhaan, waxaana dadkaas ka mid ah Shiikh Xasan Dhooye, oo ah guddoomiyaha jimciyadda mislimiinta ee waqooyiga Maraykanka, waxauu sheegay in guusha Ilhaan ay farxad u tahay dhammaan dadka muslimiinta ee deggan waddanka Mareykanka gaar ahaan dadka Soomaalida.

Waxa uu sheegay in Ilhaan ay noqotay gabadhii ugu horraysay ee Soomaali ah oo xilkaas ku guulaysata.

“Waa habeen taarikhi ah, waa habeen aad iyo aad noogu weyn waayo guusha Ilhaan Cumar waxa ay farax u tahay dhammaan dadka muslimiinta oo dhan ee ku nool dalka Maraykanka, waa gabadhii ugu horraysay ee taarikhda Maraykanka ee ku guulaysatay golaha aqalka hoose ee Kongreeska”ayuu yiri Shiikh Xasan Dhooye.

Ilhaan waa 36-jir,wixii xilligan ka dambeeya tegi doonta magaalada Wanshinton, iyadoo fadhiisan doonta Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka.

Illaah ayaa  u hambalyeesay Rashida Tlaib iyagoo sheegtay in ay sugi la’day in ay wadashaqeeyaan marka loo eego guusha ay labadoodaba gaareen.

Qoraal ay soo dhigtay barta Twitterka ayey ugu hambalyaysay gabadha reer Falastiin.

Ilhaan wareysi ay bixisay bishii horre, waxa ay ku sheegtay in afar sanno ay qaxooti ku soo qaadatay xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

Labo sanno, ka hor ayey noqotay qofkii ugu horraysay ee Soomaali Maraykan ah oo ku guulaysata kursiga sharci dajinta ee gobalka Minnesota.

Sidoo kale, Ilhaan ayaa noqon doonta qofkii ugu horraysay ee muslim ah oo xiran xijaab oo fadhiista aqalka hoose ee Congress-ka ee dalka Maraykanka.

Soomaalida kale

Marka laga tego Ilhaana Cumar, waxaa kaloo la sheegayaa in ay guulo gaaray labo qof oo Soomaali ah, waxaana ka mid ah Hodan Xasan, iyo Maxamuud Nuur oo ku guuleystay doorashooyinkii ay ka galeen gobolka Minnesota.

Hodan Xasan iyo Maxamuud Nuur ayaa ka mid noqon doona Aqalka Hoose ee baarlamaanka gobolka Minnesota.
Ilhan Omar iyoRashida Tlaib ayaa anoqday gabdhihii ugu horreeyay ee muslimiin ah ee ka midnoday aqalka hoose ee Congress-ka [Lahaanshaha sawirka AP Photo]
Rashida Tlaib

Sidoo kale, gabar kale oo muslimad ah oo u dhalatay Falastiin ayaa ku guulaysatay kursiga dimuquraadiga ee Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka.

Tlaib, waa 42 jir u dhalatay Falastiin, waxa sannadkii 2008-dii ay noqotay gabadhii ugu horraysay ee muslim ah oo loo doorta golaha sharcidajinta ee gobalka Michigan.

Waa hooyo leh 14 carruur ah, waxa ay qoykooda ku dhalatay Falastiin, waxana ay dalka Maraykanka ku timid soo galooti gaar ahaan iyadoo ku nool Detroit, halkaasoo aabbaheed uu ka shaqeenayey shirkadda mootooyinka sameesa ee Ford Motor Co plant.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category