Injineeradii Turkiga ee ku dhaawacmay Afgooye oo loo qaaday Turkiga

Muqdisho(RH)-Diyaarad ka timid dalka Turkiga, ayaa maanta oo Taalaado ah qaadday sagaal qof oo saddex ka mid ah ay yihiin Turki kuwaasoo ku dhaawacmay qarax ka dhacay meel u dhow degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha.

Dadka la qaadday ayaa qabay dhaawacyo, waxaana maalmahan xaaladooda caafimaad lagu baxnaaninayay isbsitaalka Erdogan ee magaaladamuqdisho.

Sidoo kale dadka la qaadday waxaa ku jira askar ka tirsan ciidamada xoogga, waxaana garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle Cismaan, kusii sagootiyay xubno ka mid ah dowladda oo ay ku jiraan wasiiro iyo xildhibaanno.

dhaawacyadii turkiga

Maamulaha Shirkadda Enez ee dhisaysa wadadda u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa dhawaan sheegay in ay sii wadi doonaan dhismaha wadaddaas, saameynna ay ku yeelan doonin weerarrada uga imaanaya kooxaha argagixisada.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogdishu Somalia

 

Category