Itoobiya oo dhexdhexaadineysa dhinacyada ku dagaallamaya Laasacaanood

Addis Ababa (RH)- Itoobiya oo dhexdhexaadin ka billaawday dhinacyada ku diriraya Laascaanood iyo kulan ka dhacay Garowe
Wafuud ka socota dalka Ethiopia oo u kala dab qaadeysa dhinacyada ay dirirtu ku dhex martay magaalada Laascaanood ayaa gaaray magaalada Garowe si ay wadahal ula yeeshaan gaaraddada laascaanood, iyada oo wafdiga kulan kan ka horreeyey ay la yeesheen mas’uuliyiinta Somaliland iyadoo ugu danbeyn la’isku af gartay xabbad joojin.

Haddaba Caaqil Cabdirisaq Maxamed Xasan Faalug oo ah afhayeenka guddida 33-ka ee aayo ka tashiga SSC ayaa BBC-da uga warbixiyay waxyaabaha kulanka looga hadlay.

Dhinaca kale, 

Puntland ayaa markale cadaysay mowqifkeedii ahaa in aanay qayb ka ahayn, ciidamadeeduna ku jirin dagaalka ka socda Laascaanood iyo Deegaanada ku xeeran.

Warsaxafadeed ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in marwalba ay qadarinayso in Soomaalida dhexdeeda iyo Gobolkuba kuwada noolaadaan nabadgelyo, xasilooni iyo daris wanaag, wixii khilaaf ahna lagu xaliyo miiska wada hadalka.

Sidoo kale waxa ah sheegtay in Dagaalkaani uu u dhaxeeyo oo kali ah dadka deegaanka oo naftooda iyo aayahooda difaacaya iyo Somaliland oo rabta in ay xoog ku haysato, qori caaraddiisna ku hirgeliso nidaamkeeda. 

“Cidkasta oo kale oo ay Somaliland dagaalka ku eedayso waa marin habaabin iyo marmarsiiyo kale oo ay rabto in ay ku sii waddo xasuuqa dadka shacabka ah” ayaa lagu yiri warka Puntland.

Puntland ayaa sheegtay in Dagaalkaan haddii uu sii socda ay ka dhalan karto masiibo bini’aadantinimo iyo mid amni oo saamaysa Gobolka oo dhan iyo Soomaalida dhexdeeda.

Ugu dambeyn Puntland ayaa Colaadda Gobolka Sool ee keentay Dhimashada, Dhaawaca iyo burburka xad-dhaafka ah masuuliyaddeeda dusha ka saartay Somaliland.

Category