Itoobiya: Tiradii ugu badneyd oo hal maallin laga helay Corona virus.

RH: Adis-ababa: Itoobiya ayaa sheegtey in maallintii jimcihii la diiwaangaliyey 760 qof oo uu ku dhacey Corona. waa tiradii ugu badneyd ee hal maallin la diwaangaliyeo tan iyo 13.Maarso markii xanuunku bilowdey.

Wasaarada caafimaadka ayaa sameysay 7.264 baadhitaan, kadib 760 kamid ah dadkaas ayaa la xaqiijiyey in uu asiibey caabuqu.

taas oo tirada guud ee xanuunka laga helay kadhigeysa 12.693 qof.

Itoobiya ayaa ka midnoqoneysa 10 dal ee qaarada afrika ay ugu badan yihiin dadka uu kudhacey Covid-19.

dhanka kale dawlada ayaa xaqiijisey in tirada dadka ugeeryoodey xanuunkani uu gaadhey 200 qof.

qaarada Afrika ayaa la dareemayey maalmihii u dambeeyay in ay tirada dadka uu xanuunku asiibayo ay aad kor ugu kacdey. 

waxaana dalalkaas hogaaminaya dalka Koonfur-Afrika oo uu ku dhacey 408,052 qof halka ay 6.093 ay naftoodii ku waayeen.

 

Category