Kafeega dunidda oo qiimisaha uu sare u kacayo sannadka 2025

Dooxa (RH)-Kafeega ama bunka ayaa markii ugu horreysay 50 sanno kadib, waxa uu gaaray qiimihii ugu sareeyay.

Sida ay sheegtay warbaahinta Jarmalka ee DW News, qiimaha bunka ayaa sameeyay kor u kac 80% marka loo eego sannadkan sii dhammaanaya 2024, waana qiimo kheyrul caadi ah.

Kafeega qaaliyoobay ee durba laga dareemay suuqyada ayaa ah kuwa laga ka kala keeno dalalka Brazil iyo Fiyatnaam.

Kafeega Brazil ee qaaliyoobay oo si wayn looga isticmaalo dalalka carabta iyo kuwa kale oo adduunka ayaa loo aaneenayaa abaaro iyo isbaddal cimilo oo ku dhacay dalkan.

Sidoo kale, kafeega Fiyatnaam, oo isna ka jaban kan Brazil, ayaa isna loo sababeeyay inuu qaali noqdo abaaro ka jira dalkaas.

Si kastaba, shirkadaha waawayn ee iibiya kafeega sida Nestle ayaa hadda billaabay in macaamiishooda ku wargaliyaan in sannadka cusub uu qiimo koror ku imaan doonon kafeega dunidda.

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi-Kenya
 

Category