Ma Jabuuti baa saldhig looga dhigi doonaa ciidamada badda ee Itoobiya?

Warbaahinta maxalliga ee dalka Itoobiya ayaa maalmihii lasoo dhafay qoray warar sheegaya in ciidanka cusub ee badda ee Itoobiya saldhig looga dhigayo wadanka Jabuuti.

Wargeyska the capital ee ka soo baxa dalka Itoobiya, ayaa ku warramay in taliska ciidanka badda laga dhigi doonaa Magaalada Bahir Dar ee gudaha Itoobiya, saldhigana looga dhigi doonaa dalka Jabuuti.

Inkastoo Dowladda Itoobiya aysan si rasmi ah u shaacinin halka uu noqonayo saldhigga ciidamadooda badda, haddana sannadihii la soo dhaafay waxaa jiray warar sheegayay in saldhig looga dhigi doonaa dalalka Eritrea, Jabouti ama Sudan iyadoo dadka qaarna ay hadal hayeen Soomaaliya.

Wargeyska oo soo xiganaya ilo dowladda ah ayaa sheegay in Itoobiya ay go'aansatay in saldhigga ciidanka badda laga dhiso dalka Jabuuti.

Sida uu wargeyskaas qoray arrinta waxaa lagaga hadlay kulankii u dambeeyay ee uu Abiy Axmed ku tagay dalka Jabuuti, halkaas oo uu kula kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya waxay ku warrameen in dowladda Faraniiska ay Itoobiya ka caawineyso dib u dhiska ciidanka badda oo la kala diray sannadkii 1991, ka dib markii Eritrea ay ka madaxbanaanaatay Itoobiya, halkaas oo saladhig u ahayd ciidanka badda ee Itoobiya.

Hasayeeshee wararkaas waxaa beeniyay safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Itoobiya, Maxamed Idiris Faarax. "Warkaas waa war jaraa'idada Itoobiya dhex socda, kuwaas oo sheegaya in ciidanka badda ee Itoobiya ay saldhig ku yeelanayaan Jabuuti, warkaasi ma ahan war rasmi ah," ayuu yiri.

Maxamed Idiris Faarax ayaa inta ku daray: "Ma heyno wax heshiis ah oo labada dowladood ay isla gaareen, haddii ay noqota in heshiis la gaarana wuxuu noqonayaa heshiis saddex geesood ah oo dhexmara Faransiiska, jabuuti iyo Itoobiya", sidaas waxaa BBC-da u sheegay safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Itoobiya, Maxamed Idiris Faarax.

Safiirka ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in uu jiray wadahadal arrintaas ku aadan oo labada dhinac dhexmaray, laakiin in uusan weli jirin wax kasoo cusboonaaday arrintaas iyo heshiis rasmi ah oo la gaaray.

"Waxay ahayd dalab ka yimid ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo doonayay in ciidankaas la dejiyo dalka Jabuut, waxaa soo socdana wakhtiga ayaa inoo sheegi doonaa", ayuu hadalka ku daray safiirka.

Itoobiya ayaa horantii sannadkan sheegtay in ciidamadeeda badda ee la kala diray kudhowaad 30 sano ha hor uu dib u soo celinayo, dhawaanna shaqadooda billaabayaan.

Sarreeya Guud Birhaanuu Julaa oo wareysi ay la yeelatay wargeyska Addis Zemen oo afka dowladda ku hadlo ayaa sheegay "in Dolwadda Itoobiya ay ka shaqeyneyso sidii ay u dhisi lahayd ciidamo adag oo Badda ka howlgala."

"Ciidamada badda ee ay Itoobiya dhisaneysana waxay noqon doonaan kuwa tababar casri ah leh isla-markaana qalabkii ugu dambeeyey ee ciidamada badda adeegsada," ayuu yiri.

Itoobiya waxay sidoo kale leedahay machad lagu tababaro xirfadlayaasha badda, waxaana sanad kasta kasoo baxa 500 oo qof oo leh xirfado kala duwan, waxaana la qorsheynayaa in tiradaas la gaarsiiyo 1,000 qof.

Madaxweyne Emannuel Macron maruu booqasha ku tagay Addis Ababa wuxuu sheegay in ciidanka Badda uu Faransiiska u dhisayo dowladda Itoobiya.

Macron wuxuu Itoobiya lasaxiixday heshiis ku kacaya Malaayiin doollar ah oo dhanka melleteriga ah gaar ahaan in Faransiisku uu gacan ka geysto dhismaha ciidamada Badda oo ay Itoobiya yeelaneyso dhowr iyo 20 sano ka dib.

 

source.BBC

 

Category