Madaxweynaha Somaliland Oo Cafis U Fidiyay 484 Xabsuus Oo Ku Xidhnaa Xabsiyada Dalka

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Cafis madaxweyne u fidiyay Maxaabiista ku xukuman danbiyada fudud ee ku jira Xabsiyada dalka oo tiradoodu dhantahay 484 xabsuus, bisha barakaysan ee Rabadaan awgeed.

Sidaasina waxa lagu sheegay wareegto ka soo baxday Xarunta Madaxtooyada Somaliland oo u dhignayd Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90 aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;

Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta  kuna taariikhaysan 05/04/2021;

Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka   kuna taariikhaysan 06/04/2021;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 484 (Afar Boqor iyo Afar iyo Siddeetan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

Category