Madaxweynaha Somaliland Oo Guddi U Magacaabay Qaban-qaabadda Xuska 18 May

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Maanta wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahayJSL/XM/G/083-076/042018 ku Magacaabay Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Ku: Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
Ku: Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha 
Ku: Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Ku: Duqa Caasimadda Hargeysa

Ujeeddo: Magacaabid Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

Waxa foodda innagu soo haya Xuska Sannad Guuradda 27aad ee Maalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May, taas oo inooga baahan qorshe iyo u diyaar-garow, maadaama Bulshada Somaliland meel kasta oo ay joogaan, ay u dabaal-degayaan Xuska 18 May, isla markaana dareenka qarannimadooda u soo bandhigaan Beesha Caalamka.

Sidaa darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 27aad ee Maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil weyn iska saari doonnaan Xuska Maalinta 18 May. Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

Category
Location