Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in aqbaleen codsi uga yimid Sweden iyo Denmark oo ku aadan

Hargeysa (RH)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay aqbaleen in waddamada Sweden iyo Denmark kuwaasoo uu sheegay in ay doonayaan in ay dhexdhexaadiyaan Soomaaliya iyo Somaliland.

Muuse Biixi ayaa sidoo kale sheegay in Turkiga uu ku fashilmay wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland, hadalkan ayuu ka sheegay mar uu shaley la hadlayay labada gole ee baarlamaanka Somaliland.

Wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa muddo labo sanno hakad ku jiray, waxaase la filayaa in bilaha soo socda ay dib u billowdaan iyadoo lagu kulmayo waddanka Chana.
 

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia
 

Category