Maxaa loo dilay Taliyihii ciidanka madaxtooyada Puntland?

Gaalkacyo (RH)-Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay taliyihii ciidanka madaxtoyada Puntland Gaashaanle Sare Cismaan Cumar Maxamed.

Goob-jooge ayaa u sheegay Radio Hormuud, in taliyuhu uu ku dhintay howlgal ciidamada Puntland ay ka sameeyeen Warshada Kabista oo muddo ahayd goob la iska heesto.

Warar ayaa sheegaya in taliyuhu uu ku dhintay is rasaaseyn dhexmartay ciidamo uu watay iyo kooxo hubeysan oo halkaas ku sugnaa.

Ciiddanka amniga ayaa la wareegay warshadda kabidda oo ah dhul dowladdii hore ee Soomaaliya ka tagtay, balse muddo dheer gacanta ugu jirtay maleyshiyaad hubaysan oo is arursaday, oo aan cidna ka amar qaadan.

Taliyaha la dilay ayaa muddo kooban hayay xilka taliyaha ciidanka madaxtooyada Puntland, isagoo lagu beddelay taliyihii ka horreeyay oo xilkaas iska casilay.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka iyo hey'addaha ammaanka Puntland, in kastoo dilka uu ku soo beegmayo iyadoo magaalada Gaalkacyo iyo deeganno oo kale oo ku yaalla Gobalka Mudug u socdaal ku marayay madaxweynaha Puntand Saciid Cabdullaahi Deni.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category