Midowga Yurub oo canshuuro dheeri ah saaray badeecadaha Mareykanka

Brussels(RH)- Midowga Yurub ayaa maanta oo Jimco ah si rasmi ah dhaqangalinaya canshuuro dheeri ah oo uu ku soo rogayo wax yaabaha Mareykanka u dhoofiyo waddamada Yurub.

Arrintan ayaa jawaab u ah, kaddib markii xukuumadda Wanshinton ay canshuuro dheeri ah ku soo rogtay birta iyo nixaasta ka timaadda waddamada Yurub.

Wax yaabaha ay saameyn doonto canshuurta dheeriga waxaa ka mid ah Mootooyinka, cabitaanka liinka macaan laga hagaajiyo iyo nooc ka mid ah Khamriga oo qaali ah.

Madaxa Midowga Yurub Jean-Claude Juncker ayaa sheegay in uu sameyn doono waxkasta oo ku difaacayo danihiisa ganacsi isla markaana u diyaargaroobayo maanta canshuuro dheeraad ah oo uu ku soo rogay badeecadaha Mareykanka uga yimaada.

Waxa uu sheegay in tallaabada uu Mareykanka uusan aqli gal ahayn sidaas darteed asyan heynin wax kale oo aan ahayn in ka aar goostaan Washington DC.

Midowga Yurub waxa uu sheegay in mootooyinka Harley Davidson, cabitaanka cranberries iyo qabriga peanut, in laga qaado canshuur dhan 25% waana billow sida ay lee yihiin Midowga Yurub.

Si kastaba, waxaa muuqata in uu billowday dagaal ganacsi oo u dhexeeya waddamada ugu dhaqaalaha roon adduunka sida Mareykanka, Shiinaha iyo Yurub.

Mareykanka horrey ayuu canshuuro ugu soo kordhiyey badeecadaha ka yimaada Shiinaha, shiinahana waxa uu sheegay in uu ka aargoosan doono.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category