Muqdisho oo markii ugu horreeyay lagu qabtay tartan Maradoon ah

Tartanka oo ay ka qeybgaleen in ka badan 500 oo cayaartoy dhammaan wiilal ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyey wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha, maamulka gobalka Banaadir iyo guddiga olombikada Soomaaliya.

Wasiiro, xildhibaanno, taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya iyo dad caan ah ayaa ka qeybgalay tartanka waxaana ka mid ah ah oradyahanka Soomaaliyeed ee Cabdi Bile Cabdi oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho.

Cabdi Bile, ayaa sannadkii 1987-dii wuxuu ku guuleystay billad dahab ah, tartan ka dhacay magaalada Rooma ee caasimadda Talyaaniga isagoo ku guuleystay 1500 ee mitir.

Tartanka oradka ayaa ka billaabanayey KM4 illaa fagaaraha dal-jirka Daahsoon ee bartamaha magaalada Muqdisho.

Waa markii ugu horreysay oo tartan noocan oo kale lagu qabto magaalada Muqdisho tan iyo sannadkii 1990-kii xilligaas oo dagaallo sokeeye ay ka billowdeen dalka Soomaaliya.

Dad weynaha magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay cayaaraha oradka ee ka furmay magaalada, waxaana la arkayey dadweyne fara badan oo ka soo qeybgalay oradka.

Markii tartanka uu soo dhammaaday ayaa waxaa cayaartoyda kaalmaha horre galay waxa laguddoonsiiyey abaalmarinno.Waa dhacdo ku cusub caasimadda Soomaaliya waana dhif & naadir in tartan noocan oo kale ay martigaliso magaalo dagaallo ay ka socdeen ku dhawaad 25 sanno.

Category
Location