Norweyjigii kuxidhnaa Somaliland dilkiisa dib baa loo dhigay

RH: Muwaadinkii dilka ku xukuman  Sacad Jider Hayd oo haysta jinsiyada  Norwey ayaa dib loo dhigay dilkiisa jamhuuriyada gooni isu taaga ku dhawaaqdey ee Soomaaliland .

Hayd wuxuu ku xirnaa wadanka ku yaal Bariga Afrika tan iyo bishii Abriil waxayna ahayd in lagu lagu daro koor dil lagu fulinayo maallinnimadii Sabtida.

Sidan waxa uu qareenka difaacayey u sheegay TV2-ga dalka Norway. - Macmiilkeena ayaa lagu wargaliyay in dib loo dhigay taariikhda dilkiisa, laakiin uu dhici doono bisha Diseembar, ayuu yidhi qareenka difaaca John Christian Elden.

54-sano jirkan  dilka ku xukuman Sayd qudhiisa ayaa helay fariinta, saacado yar ka hor intaan dilku dhicin.

Sayd wuxuu degenaa Norway 25-kii sano ee la soo dhaafay. Waa muwaadin norwiiji ah wuxuuna cinwaan ku leeyahay caasimada Norway ee Oslo.

Arbacadii, waxaa loo xukumay dil qorshaysan oo uu ka gaystay Somaliland.

Isaga laftiisa ayaa sheegaya in dilku udhacay isdifaac markii lagu weeraray wado uu marayey digniin la'aan.

Khamiistii, qoyskiisa waxaa loo sheegay in lagu daridoono  koox la tooganayo Sabtida.

Safaaradda Norway ee Kenya, oo ka shaqeysa arimaha ku saabsan Somaliland, waxay la xiriirtay maamulka Somaliland  waxayna caawimaad qunsuliyadeed siisaa Mr Hayd, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka  Norway ayaa  sidaas u sheegtey  TV2-ga Norway.

Tan iyo bishii Abriil, Sacad Jider Hayd wuxuu ku xirnaa xabsi ay Norway wax ka maalgalisay . Waa xabsigii ugu horreeyay Geeska Afrika oo loogu talagalay burcad-badeedda.

Xabsiga ayaa la furay 2011 waxaana xilligaas ku xirnaa tobanaan burcad badeed ah oo ka soo jeeda Somaliland, sida ay qortay waqtigaas warbaahinta dalka Norwey.

warbixintan waxaaa qortey saxaafada dalka Norwey

Tarjuumada : Radio Hormuud

Category