Qaar ka mid ah raggii kufsaday haddana dilay Caasha Ilyaas oo xukun dil ah lagu ridday

Garowe (RH)-Maxkamadda darajada koowaad ee gobalka Nugaal ee Puntland ayaa maanta oo Axad ah xukun dil ah ku ridday saddex ka mid ahaa 10kii nin ee ku eedeesnaa Kiiskii Caasha Ilyaas Aadan oo ahayd gabar kufsi iyo dil loogu geestay horaantii sannadkan loogu geestay magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha maxkamadda gobalka Nugaal Sheekh Cabdinuur ayaa xukunka ku dhawaaqay isagoo sidoo kale sheegay in ragga la xukumay ay heestaan bil racfaan ah.

"Maxkamaddu markii ay dhageysatay eedda xeer ilaalinta, oo ah in nimankaas ay afduubeen kufsadeen si wadareed ah, dileen, sumcad dilid Puntland shacabkeeda ay ku sameeyeen, amnigeeda qalqaliyeen, maxkamadu markii ay dhageysatay eedeesanayaasha oo ku jawaabay in aysan galin, maxkamaddu markii ay dhageysatay qareenada, maxkamaddu waxa ay amreysaa lambarka afaraad illaa iyo lambarka 10-aad xorriyadooda in loo sii daayo sida ugu dhaqsiyaha badan, saddexda kale maadamada cadeemaha lahayo ee ku saaban in ay qafaasheen, kufsadeen dabadeedna ay dileen maxkamaddu waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah oo ay dowladda ku sameeneyso."ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda gobalka Nugaal.

Qoyska Caa'isha Ilyaas Aadan ayaa soo dhaweeyay xukunka lagu ridday raggii ku eedeesnaa kufsiga.

Aabbaha dhalay Caasha Ilyaas Aadan ayaa saxaafadda u sheegay in saddexda nin ee la xukumay ay ahaayeen kuwii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii loo geestay gabadhiisa, waxaana uu mahadceliyay maamulka Puntland iyo Xeer ilaalinta.

"Dadkii dambiilayaasha ee gabadha dambiga u geestay ayaa maanta la xukumay aad baana ugu faraxsanahay, sida maanta ay ku dhammaatay ayaa weligey filayay waana soo dhaweenayay"ayuu yiri Aabbo Ilyaas Aadan.

Mar la weydiiyay in qoyskooda ay ka guureen magaalada Gaalkacyo oo dhibku uu ka dhacay, waa uu beeniyay waxaase uu sheegay in hooyada gabadha ay aaday Wardheer maadama meesha dhibka uu ka dhacay ay tiri "ma joogi karo".

Waxa uu sheegay in qoyska ay dib ugu soo laaban doonaan magaalada Gaalkacyo.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category