Qarax lala eegtay dibad-bax uu ka khudbeynayey RW Ethiopia

Addis Ababa (RH)-Wararka ka imaanaya caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa sheegaya in qarax lala eegtay goob uu ka khudbeynayey ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed uu ka socday bannaabax lagu taageerayo.

Qaraxa waxaa uu dhacay iyada uu ra’iisul wasaaraha Abiy Khudbeeyay, ciidamada ammaanka ayaana Abiy goobta kala cararay.

Warar ayaa sheegaya in dhowr qof ay ku dhinteyn qaraxa laakin ma cadda khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay.

Abiy Axmed ayaa ra’isul wasaare noqday kadib markii uu is-casilay ra’isul wasaarihii hore Hailemariam Desalegn bishii Febraayo.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category