QM oo ka hadashay weerarkii Al-shabaab ku qaaday Saldhiga Buula mareer ee ciidanka ATMIS

Guddoomiyaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay Csaba Kőrösi ayaa si kulul u cambaareyay weerarkii Shalay kooxda Al-shabaab ku qaaday  Saldhiga ciidanka ATMIS ay ku leeyihiin degmada Buula mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiye Csaba Kőrösi ayaa ugu horeyn uga tacsiyadeeyay dowladdaha Soomaaliya iyo Uganda dadkii ku dhintay weerarkaas oo u badana askar ka tirsan ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa dalka Uganda.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay gudoomiyaha Golaha loo dhan yahay in weerarka Al-shabaab uu muujinaayo in wali ay jirto halista kooxda Al-shabaab oo mudooyinkii dambe dagaal xoogan ay kula jirtay dowladda Soomaaliya.

“Argagixisadu nooc kasta oo ay tahay iyo muuqaalkeeda waxay ka dhigan tahay khatar weyn oo ku wajahan nabadda iyo amaanka aalamiga ah" ayuu yiri gudoomiye Csaba Kőrrcr ös.

Guddoomiyaha Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in cadaaladda la horkeeno kooxihii ka dambeeyay weerarkii Shalay ka dhacay Saldhiga degmada Buula mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarkii Shalay aroornimadii hore ay ku qaaday kooxda Shabaab Saldhiga Buula mareer ee ciidanka ATMIS ayaa ahaa mid ku bilaawday qaraxyo oo uu xigay dagaal toos ah ayay Al-Shabaab sheegtay inay ku dileen 137 Askari, hayeeshee howlgalka ATMIS ayaa dhankooda sheegay inay weerarkaasi ku jebiyeen Al-Shabaabkii soo weeraray.

Category