Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo tegay Xudur

Xudur (RH)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Talaado tegay magaalada Xudur ee gobalka Bakool.

Wafdiga ra'iisal wasaaraha waxaa ka mid ahaa madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo xubno kale.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdigiisa ayaa la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada magaaladayda Xudur.

Waa markii ugu horreysay oo ra'iisal wasaare Soomaaliyeed uu booqdo magaalada Xudur oo ka mid ah magaalooyinka ay go'doomiyeen Al-Shabaab.

Dadka Xudur waxa ay maanta u tahay maalin aanay illaawi doonin, gaar ahaan dhallinyarada in ay mar uun la kulmaan madaxda ugu sarreysa xukuumadda Soomaaliya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category