Raisul Wasaaraha Dalka JDFI  Dr Abiyi Ahmed Oo Fariin U Direy Dhalinyarada Dalkiisa

Addis-Ababa(RH)Raisul Wasaaraha Dalka JDFI  Dr Abiyi Ahmed oo la hadlay guud ahaan dhalinyarta dalka itoobiya gaar ahaan dhalinyarada deegaanada soo koraya khaasatan dhalinyarta DDSI ayaa carabka ku dhuftay magaalada jigjiga ayaa ugu horayn uga mahadceliyay banaabaxyadii taageerada ahaa ee ay ficilka ku muujiyeen islamarkaana ay kutaagarayeen waxqabadkii uu raisal wasaaraha dalku kutalaabsaday mudada gaaban. wuxuuna raisal wasaaruhu sheegay inay banaan baxyada hada kadib ubadalaan waxqabad mutadawacnimo oo kur uqaadaya  dhaqaalaha dalka iyo technolojiyadaha.

 

Sidoo kale, raisal wasaaraha ayaa kuladardaarmay dhalinyarta maadaama oo ay soo baxeen dad raba inay khal-khal galiyaan nabadgalyada iyo horumarka dalka iyo ta deegaanadaba oo uu ugu yeedhay ‘’sagur lawdhooj’’ iyo xoogag cusub oo raba inay carqaladeeyaan nabadgalyadeena in looga baahan yahay dhalinyarta oo ay waajib kutahay inay kahortagaan il-gooni ahna u yeeshaan dhaqdhaqaaqyada dadkaas islamarkaasna ay fashiliyaan ficilada khatarta ah ee ay maleegayaan iyagoo dhalinyartu garab istaagaya dawladooda.

 

 Raisal wasaaraha dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in dhalinyarada looga baahan yahay inay dadka kusoo kordha qabaleeyadooda iyo magaalooyinkooda ay hubsadaan iyagoo waydiinaya waxa ay yihiin iyo sababta ay uyimaadeen  si looga badbaado khatarta ay maleegayaan.

 

Wuxuuna ugudanbayn raisal wasaaruhu ugu baaqay dhalinyarta dalka inay xiliga xagaaga ah  ay isdhaxgal sameeyaan oo uu deegaanba deegaanka kale ugudbo si deegaanba deegaanka kale wax uga barto oo  ay dhir beeris, aqoon iswaydaarsi iyo isbarasho sameeyaan si loo sii xoojiyo midnimada iyo isjacaylka  qoomiyadaha iyo shucuubaha kaladuwan ee dalka islamar ahaantaana ay dhalinyartu kaqayb qaadato barashada aaladaha casriga ah iyo technolojiyadaha iyo waliba hawlaha setalaytyada si dhaqaalaha dalkeenu uu kor ugu kaco islamarkaana uu dalkeenu ugaadho wadamada horumaray.

Category