Sahra Cabdullaahi Xade: “Qurxinta waxaan u bartay in aan gabdhaha ka badbaadiyo is cadeynta”

Dumarku waxay ka mid yihiin dadka ugu badan ee sida wayn u jecel quruxda. Suuqyada ugu badan aduunka waxa lagu iibiyaa dawooyiin iyo kareemyo kala duwan oo dumarka ay isku qurxiyaan.

Waxa jira dhibaatooyin ay kala kulmaan isticmaalka waxyaabaha laysku qurxiyo, sida isbedel jirka ku dhaca iyo in qoraxda ay u adkeysan waayaan, sida ay sheegeen khubarada caafimaadka.

Isqurxinta ama turukada waxaa aad u isticmaala dumarka magaalooyiinka ku nool. Gabdha badan oo Soomali ah ayaana qeyb ka ah kuwa adeegsada.

Waxa laga gudbayaa habka qurxinta midab badalka iyada oo loo gudbayo hab ka fudud oo ay dumarku u isticmaali karaan isqurxin waqti kooban oo la iska dhaqi karo.

''Labada hab wax badan ayay ku kala duwan yihiin, kii hore waa mid aad midabkaaga ku badalaysid oo hadhow dhib kuu keenaya, kana waa wax aad mudo yar marsanaysid oo hadhow aad si yar isaga dhaqaysid wax dhib ah ma arkaysid,'' sidaas waxaa BBC-da u sheegtay Sahra Cabdullaahi Xade oo baratay habka qurxinta casriga ah.

Isticmaalka weji-qurxinta ayaa siyaabo kala duwan u saameeyeya gabdhaha da'yarta ah iyo ku waawayn. Kuwa dhallinta yar waxay u baahan yihiin mid ka fudud noocyada ay isticmaalaan gabdhaha waawayn. Waatan markale Sahra oo ka hadlaysa arinkan.

''Qofka marka uu waynaado wajigiisa wuu isbdalayaa marka waxa loogu talagalay in wajigiisu ifo oo gabar yar uu ku soo noqodo, marka gabdhahan yaryar ay marsadaan wajigooda ayaa isbadalaya, quruxdiisana way isdhimaysaa, mar walba oo badsado dhalaalka wuu isdhimayaa''

Gabdhaha isticmaala isqurxintan ayaa aaminsan in ay kalsoonidooda dhan tahay marka ay marsadaan Makeup-ka.

''Anigu waxan aaminsanahay hadii aan marsado iyo hadii aanan marsan in aan qurxanahay, marka aan u socdo munaasabad ama aroos qurux ayuu kugu sii siyaadinayaa dadka kale hortooda waad istaagi kartaa masrax camal waad fuuli kartaa'' sidaas waxa BBC-da u sheegtay Ikraan Cali Xasan oo kamid ah gabdhaha marsada Makeup.

cfdr

Image captionIkran Cali oo kamid ah gabdhaha isticmaala Make-up

Haweenkii hore ayaa u arka dhamaan waxyaabaha laysku qurxiyo in aysan haboonayn, mar walba waxay lawadaagan gabdhaha ay dhaleen ha isticmaalina waatan Ikraan oo ka sheekaynaysa sheeko dhex martay iyada iyo hooyadeed,

''Hooyo waxay tiraahdaa marka aan soo marsado Make-up waxad u eegtahay qumayo afgaduudan dhmaan waxan aan isticmaalayo way ka soo horjeedaa waxay igu waanisaa qurux waa tii ilaahay ku siiyay sidan ku bax''.

Dhaqaale badan ayaa kaga baxa gabdhaha isticmaalka Make-up si ay u qataan xiliyada farxada ee ay joogaan goloyaasha kulmiya gaddhaha sida aroosyada iyo xafladaha gaarka ah.

 

source.BBC

Category