Sarkaalkii ka dambeeyay Afgambigii dhicisoobay gobalka Amxaarada oo la dilay

Addis Ababa (RH)-Warbaahinta Itoobiya ayaa baahisay in la dilay maskaxdii ka dambeesay afgambigii fashilmay ee ka dhacay kilinka Amxaarada,warka ayaa intaas waxa uu ku darayaa in ninkaas lagu toogtay afaafka magaalada xarrunta u ah Amxaarada ee Baxardaar.

Brig-Gen Asaminew Tsigeayaa ahaa hoggaanka nabadgalyada ee deeganka Amxaarada, waxaana lagu dilay magaalo duleedka ka ah magaalada Baxardaar.

Ninkan ayaa sannadkii 2008-dii xilligii Miles Zanawi isku dayay afgambi fashilmay, waxaana uu ka mid ahaa saraakiishii tirada yareed ee ka soo horjeeday dowladdii Zanawi iyo xisbiga TPLF.

Arrintan ayaa waxa ay imaaneysaa iyadoo dalka looga baroordiiqayo dilka afar sarkaal oo muhiim ah oo Sabtidii la dilay.

Ninkan ayaa la soo daayay isbaddalkii uu ra’iisal wasaare Abiye Axmed uu ka sameeyay dalka Itoobiya.

Ninkan ayaa dilay madaxweynihii dowlad deeganka Amxaarada, la taliyihiisii iyo madixii cadaaladda dowlad deeganka Amxaarada, waxaana markiiba dhintay madaxweynihii iyo la taliyihiisa, iyadoo madixii garsoorka loo qaaday isbitaalka dowladda.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category