Taariikhdii Gen. Axmed Jaamac Muse (Wuxu Boolis ahaa 69 sanadood (1952 illaa 2021)

General Axmed Jaamac Muuse wuxu 1935 ku dhashay magaalada Cadan, ee Dalka Yemen. Aabihii Jaamac Muuse oo Reer Ceerigaabo ahaa ayaa magaala xeebeedka Xiis iyo Cadan u kala gooshi jirey. Axmed wuxu dugsiga quraanka ka galay Cadan waana halka uu kula kulmayo halgamaagii weynaa ee Sheekh Bashiir.

Axmed markii uu dugsiga sare ka baxay wuxu galay dugsiga tababarka Booliska Cadmeed sanadkii 1952dii. Sidaas ayuu Gen. Axmed Jaamac ku noqday Booliska ugu da’weyn Dhulka Soomaalida. 1957dii ayuu yimi Muqdisho, wuxu ka sheekayn jirey noloshii Muqdisho ee xiligaas oo ay ugu caansanayd maqaaxidii lambar 4 ku oolli jirtay ee Cabdilahi Cosoble ee digaaga laga cuni jirey. Sida uu Janaraalku nooga sheekeeyey xiligaa (1957) Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir waxa ahaa Gen. Maxamed Siyaad Barre isaga oo xukumi jirey Baraawe, Marka, Xamar illaa Jowhar maaddaama xiligaas Banaadir la’ isku wada odhan jirey.

Dhinaca waxbarashada Axmed Jaamac wuxu wax ku soo bartay waddamada Maraykanka, Talyaaniga, Ingiriiska, Cadan iyo Ruushka. Waxaanu si fiican ugu hadli jirey luqadaha Carabiga, Ruushka, Talyaaniga, Englishka iyo Afkiisa Hooyo ee Soomaaliga. Jaamacadaha caanka ah ee uu ka qalin jebiyey waxa kamid ah kuliyadda Booliska Ingiriiska ee Hendon. Waxa kale oo takhasus ku saabsan dembi-baadhista mar labaad u tegey Ingiriiska. Intaa kaddib wuxu Booliska Cadan ka soo noqday taliyaha Taraafiga, taliyaha tababarada booliska iyo taliyaha CID da.

1967 ayuu Axmed Jaamac u soo wareegay Booliska Soomaaliya. Waxa ku dhiiri geliyey Gen. Maxamed Abshir Muse Taliyihii Booliska Soomaaliyeed oo 1954kii ay Cadan isku barteen. Gen Maxamed Abshir ayaana ku qanciyey in uu u soo wareego Booliska Soomaaliyeed, xiligaasna Yamanta Koonfureed aad ayay u qasnayd. Gen. Qoorsheel ayaa isaguna si weyn dalka ugu soo dhoweeyey. Janaral Axmed Jaamac waxa isla markii uu soo wareegayba laga dhigay Taliyaha Ciidanka CID-da Soomaaliyeed. 26kii October 2017-kii markii uu geeryooday General Maxamed Abshir maqaal baroor-diiq ah oo uu General Ahmed Jaamac ku sagootiyey saaxiibkii wuxu ku dheeraaday hoggaamintiisii toosnayd iyo aragtidiisii fogeyd. Waana Taliyihii dhisay buu yidhi inta badan xarumaha iyo guryaha Booliska.

General Axmed Jaamac markii uu yimi Xamar saraakiishii soo dhoweysay ee saaxiibtinimadoodu waartay waxa kamid ahaa Raisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde) oo kamid ahaa saraakiishii sar sare ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, 12 sano ayay labada sarkaal ee Nuur iyo Axmed saaxiib iyo isku xafiis ahaayeen, Nuur Cadde isaguna wuxu isla xanuunkan Coronavirus-ka ugu geeryooday London sanadkii hore isla waqtigan oo kale. Gen. Axmed Jaamac mar kasta wuu ka sheekayn jirey aqoontii iyo akhlaaqdii wanaaagsanayd ee Nuur-cadde.

General Axmed Jaamac Muuse 1973dii ayaa 4 sanadood oo dambe loo diray Ruushka si uu u soo barto Boolisnimada, gaar ahaan dhinaca Hantiwadaaga. 1989kii ayaa loo magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Janaraalku toban sano kahor ayuu ka soo guuray Dalka Maraykanka si uu inta cimrigiisa ka hadhay ugu adeego shacabkiisa isaga oo ah askari boolis ah, illaa hadda oo cimrigiisu ahaa 87 sanona wuu shaqaynayey oo subax kasta 7da subaxnimo ayuu u shaqo tegeyay Taliska Guud ee Booliska oo uu mar madax ka ahaan jirey.

Gen. Axmed Jaamac wuxu ahaa askari, sarkaal iyo aabbe wanaagsan, sidoo kale wuxu ahaa Soomaali ay ku wayn tahay Soomaalinimadu (true patriot and unwavering soldier). Wuxu necbaa qabyaadda, dadka Soomaaliyeedna isugu mid bay ahaayeen, waana sababtaas sababta qof kasta oo Soomaali ah oo yaqaannay uu u jeclaa Janaral Axmed Jaamac.

17kii July 2019 ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo u magacaabay xubin kamid ah guddida wada-hadalada Somaliland iyo Dowladda Federalka Soomaaliya. Guddidaas oo uu illaa hadda katirsanaa.

Ugu dambayn maanta ayaanu soo aasnay sarkaal Booliskii ugu da’da weynaa uguna aqoonta badnaa dhammaan geyiga Soomaaliyeed. Dardaaranadiisii ugu dambeeyey waxa kamid ahaa ‘4.5 ciidan qaran kuma dhismi karo’ ciidan wuxu dhismi karaa marka loo dhiibo qofka ugu fiican ee shaqada qaban kara ee aqoonteedii, waaya aragnimadeedii, kartideedii iyo hoggaaminteedii leh’’

Ilaahay ha u naxariisto Janaral Axmed Jaamac Muuse

W/Q:Cismaan Dubbe

Wasiirka Warfaafinta JFS

Category