Wasiirka amniga Soomaaliya oo gaaray Garbahaareey

Baardheere (RH)-Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka amniga gudaha ee Soomaaliya,Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Wafdiga ayaa ka kooban wasiiro, xildhibaanno, iyo saraakiil ciidan, ayaa waxaa soo dhaweeyay maamulka degmada Garbahaareey.

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa billaabay in la kulmo maamulka magaalada, waxaana maalmaha soo socda isaga iyo wafdigiisa ay la kulmi doonaan bulshada ku nool magaalada Garbahaareey.

Wafdiga tegay Garbahaareey ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan ciidamo dowladda ay gaysay degmada Raaskambooni ay noqdeen kuwa la qabtay iyo kuwa iska dhiibay dalka Kenya, kadib markii ay la dagaallameen ciidamada maamulka Jubbaland.

Magaalada Garbahaareey waxaa ka arrimiya maamulka Jubbaland, waxaana isa soo taraya khilaafka u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Wasiirka amniga Soomaaliya oo gaaray Garbahaareey

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category