Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ku baaqday xayiraad cusub oo dalka la galiyo

Muqdisho (RH)-Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur ayaa dowladda federaalka u soo jeedisay in dalka la galiyo xayiraad, si looga hortago faafitaanka caabuqa COVID19 oo xilligan dalka uu ku hayo fara ba'an, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Qoraal ay wasiirku soo dhigtay barteeda Twitterka ayey ku sheegtay in xakameyta xanuunka ee sannadkii tegay 2020-ka uu wax badan ka taray in uu xanuunka ku faafo dalka.

"Waxaa soo jeedinay in xayiraad cusub la soo rogo si looga hortago faafidda heerkooda uu sii kordhayo ee aan hadda arkeyno, xaaladdu waa mid aad u darran balse howlaha xakameynta iyo ka hortaga cudurka waa la sii wadayaa, waxaa ku kalsoonahay marka uu billowdo tallaalka cudurka in uu cudurka la xakameyn doono"ayey tiri wasiirka caafimaadka Soomaaliya.

Maalmahan dambe waxaa soo kordhaya dadka uu ku dhacayo xanuunka iyo sidoo kale dadka u dhimanaya.

Shaley oo kaliya dadka la baaray oo ahaa 1,807 qof waxaa laga helay 266 qof waana mid ka mid tiradii ugu badneed ee la soo weriyo maalin kaliya iyadoo illaa sideed qof ay u dhinteen, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Illaa lix qof ayaa gobalka Banaadir ugu dhintay xanuunka shaley oo kaliya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category