Xildhibaannada baarlamaanka oo u codeeyay in Muqdisho Aqalka Sare ku yeelato 14 kursi

Muqdisho (RH)-Xildhibaannada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta fadhi ay ku lahaayeen xarruntoodada kumeel gaarka ah ee ku dhex taalla Villa Somalia, waxa ay u codeyeen kuraasta magaalada Muqdisho ay ku yeelan doonto aqalka sare.

142 xildhibaan ayaa u codeeyay in 13 kursi Muqdisho ay ku yeelato aqalka sare, waxaana ka soo horjeystay afar xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay natiikada aaqirkii guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Go'aanka xildhibaannada baarlamaanka ayaa ka dhigaya tirada xildhibaannada aqalka 69 xildhibaan, maadama aqalka sare horrey xildhibaannadooda uu u ahaa 54 sanatar.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa maalmahan ka doodaayay gobalka banaadir mataaalada uu ku yeelan doono aqalka sare iyo xeerar kala duwan, taasoo dood uu ka keenay guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana arrintaas ku ayyiday maamul goballeedyada oo iyaguna diiday xeerarkaas laga doodayo.

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan la filayaa in ay Muqdisho kula kulmaan madaxda maamul goballeedyada.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category