Xubno ka tirsan xildhibaannada Galmudug oo xilkii ka xayuubiyey guddoomiyaha baarlamaanka

Dhuusamareeb (RH)- Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Dhuusamarreeb ee xarrunta gobalka Galgaduud waxa ay ku sheegeen in ay xilkii ka qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug, Xareed Cali Xareed, ayaa ku dhawaaqay natiijada fadhiggii baarlamaanka ee maanta, waxa uu sheegay in 147 xildhibaan ay fadhiisteen isla markaan 146 xildhibaan ay kalsoonida kala noqdeen guddoomiyaha baarlamaanka sidaasna uu codka kalsoonida ku waayey.

Xareed, ayaa xildhibaannada Galmudug ku wargaliyey in maalmaha soo socda ay la soo socodsiin doono guddiga doorashada gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug, sida darteedna loo tartami doono jagadaas sida uu yiri.

Xil ka qaadista guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa la isku khilaafsan yahay, waxaana ay salka ku heysaa muran dhawaantan soo dhexgalay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goballeedyada.

Maamulka Galmudug ayaa u muuqda inuu qas siyaasadeed oo xagga hogaanka ah lugaha la galay, madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la saftay dowladda federaalka waxaana ay ku tilmeeneen go’aanadii ka soo baxay shirkii Kismaayo mid lagu degdegay, halka madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenka kowaad ee guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ay la safan yihiin maamul goballeedyada oo xiriirka u jaray dowladda dhexe.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa gaashanka u daruuray xilka laga qaaday, waxaana uu ku tilmaamay kulanka ka dhacay Dhuusamarreeb in uu ahaa mid ay ka qeybgaleen dad aan xildhibaanno ahayn oo ku sifeeyey in ay yihiin shacab meesha la isugu keenay.

Waxa uu sheegay in tallaabadaas ay fowdo tahay lana rabo halka ay ka shaqeen lahayd.

“Aad iyo aad ayaan uga xumahay, xildhibaanno uma aqoonsani dadka ku sugan Dhuusamarreeb, xildhibananada dhabta waa ay joogaan”ayuuu yiri Cali Gacal Casir oo u warramay BBC-da.

Waxa uu sheegay in dadka ku shiray Dhuusamarreeb ay ahaayeen dad shacab ah gaar ahaan ururka Ahlu Sunna kuwaasoo laga soo aruuray Dhuusamarreeb.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category