Xukuumadda Somaliland Oo Maanta Qisaas ku Fulisay lix Qof

Hargeysa(RH):-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland  Ayaa maanta galinkii hore dil qisaas ah ku fulisay lix gacan ku dhiigle oo ku jiray Xabisga Mandheera.

 

Lixda qof ee dilka lagu fuliyey ayaa waxa hore xukun dil ugu riday Maxkmaddaha  kala duwan ee Somaliland gaar ahaana kuwa Hargeysa iyo Burco. Waxana dil toogashada ah lagu fuliyey Alle ha u naxariistee lixda maxabuus oo magacyadoodu kala ahaayeen.

1- Yaasiin Maxamed Yuusuf

2-Sharmaarke Sahal Oogle

3-Quulle Maxamed Cilmi

4-Khaalid Cabdi Xaydar

5-khadar Maxamed Warsame

6-Cabdikariim Maxamed Mahdi.

Fulinta dilkan ayaa ka dhacday duleedka xabsiga Mandheera oo ay ku jireen Maxaabiistani maaha markii kowaad ee xukun nooca oo kale ah laga fuliyo gudaha Somaliland balse marar badan ayaa Qisaas lagu fuliyey dad hore u dilay dadkale.

 

wwq

 

Category