RH. Kolding waa magaaalo yar oo kutaala bartamaha Denmark, tirada dadka ee ku nooli waa 60.508 qof waxaana ka mid ah ilaa 700 qof oo Soomaaliya. Waana magaalada ay ku taalo xarunta Radio Hormuud.
Waxaanu maanta idinla wadaagaynaa xiisaabxidhiki degmada oo shalley lasoo bandhigay , waxaana maamulka miisaaniydada iyo jaangoonteedaba leh gollaha degaanka magaaladda oo ka kooban 25 xubnood oo ka yimid 6 xisbi siyaasadeed,
Soomaalidu way ka qeybgashay doorashadii u dambeysay balse kumey guuleysan in ay qof soo saarto.
MIISAANIYADII IYO XISAAB XIDHKII 2018
Waxaa shalley lasoo bandhigey miisaaniyadii iyo xisaabxidhkii 2018 kii waxaana wax lagu farxo aheyd in markii degmadu isticmaashey qarashkii loo asteeyay miisaaniyada in ay soo hadhey lacag dhan 1.7 miylan karoon.
Miisaniyadii 2018 ee magaaladan yar ayaa dhameyd 6 bilyan oo ah lacagta karoonka ee Denmark una dhiganta 903.036.000 USD ,waxaa xiiso lahaa in dakhliga miisaaniyada lagu daray dhulal iyo guryo dawlada hoose laheyd oo la iibiyey lacagtii ka soo xarootey oo dhameyd 46 milyan oo karoon.
Lacagtan ayaa ku baxdey , iskuulada dawlada, xanaanooyinka caruurta, daryeelka dadka waaweyn, adeegyada dadweynaha iyo wadooyinka, halka waxbarshada sare, nabadgalyada iyo caafiimaadka ay dawlada dhexe iyo goboladu bixiyaan.
Denmark maaha dal leh qaniimooyinka uu Alle ugu deeqay dalalka dunida qaarkood sida macdanta iyo shidaalka iyo waliba cimilo sannadkii oo dhan wax laga beeri karo, balse waa bulsho yar oo isku tashatey oo dhaqaale ku bixisa maalgallinta dadka si ay u soo saaraan dad waxkusoo kordhiya nolosha dadka iyo dalka, dhaqaaluhuna intabadan waxa uu ka soo xaroodaa cashuurta yar ee dadka laga ururiyo oo la xafidey.
Xubnaha gollaha degaanka iyo xarunta dawlada hoose
Diyaarinta : Maxamed-amiin Siyaad Cabdi
Radio Hormuud