Akhriso: Shanta Xirfadood ee Mustaqbalka iyo Barashadooda

Madama uu socdo kacdoon technologyadeed oo aad u wayn waxa iyana isbadal ku imanayaa kala saraynta iyo qiimaha xirfaduhu ku kala lahayeen suuqa, qoraalkan waxan idin kula wadaagi doona shan xirfadood oo la jaanqaadaya casriga,

Kuwaas oo ah xirfado mustaqbalka dambe iyo imikaba loo qabo baahi wayn.

1.Machine learning

Waa qayb ka mid ah caqliyada macmalka ah(artificail intellegence) taas oo lagu tababarayo mashiinada iyo systems ka iney u dhaqmaan sida aadanaha, si guudna waa diyaarinta Algorithms iskood u qabta shaqo ama xaliya dhibaatooyin gaar ah wakhti kooban, waxana loo isticmaala waaxyo kala duwan sida caafimaadka,cimilada,ganacsiga,dhaqaalaha iyo wixi lamid ah, wana mid kamid ah xirfadaha ugu mustaqbalka wanagsan xiligan.

muuqalkan hoose waa mid dhammaystiran oo soconaya 4 saac kaas oy diyaariyeen macadka free coding camp waxadna ku baran doonta aas’aaska iyo mawduucyada ugu muhiimsan cilmigan.

halkan ka raac:

https://youtu.be/i_LwzRVP7bg?si=66fB_kTUgn-jI3yH

2.Data science

Waxa la dhahaa xogtu waa shidaalka qarnigan, waxan ku jirnaa xili ay muhiim tahay ilaa xad in la taxliiliyo xogo lagana so dhaxsaaro natiijooyin wax ku ool ah, si guud data sceince waa uruurinta,,habaynta, iyo falanqaynta xog iyadoo loo badalayo fikrado iyo natiijooyin lagu go’aan qaato, wana xirfad saamaynteeda kuleh suuqa, muuqaalkan hoose waxa diyaariyey macadka Edureka waxana qaatey dad kor u dhaafaya 4.2 million.

halkan ka raac:

https://youtu.be/-ETQ97mXXF0?si=8pcCecUDOP3KWH_o

3.Cybersecurity

Inta badan eey kor u kacdo tirada dadka isticmaalaya internetku waa inta badan ee loo baahanayo cid ilaalisa hantida iyo xogaha dadkas( digital assets) sidas si lamid ah ganacsiyadana ka caawisa awdida daldalooloyinka ka jira systems kooda(Vulnerability) muuqaalkan hoose waxa duubtey macadka Edureka wana bilow wanagsan wuxuna soconayaa 11 saac.

halkan ka raac:

https://www.youtube.com/live/lpa8uy4DyMo?si=kNx1mkh8kJqi_P-l

4.Generative AI

Waa qayb kamid ah Ai ga oo horumarsan taas oo lagu tababarayo in iyada oo isticmaalaysa xogaha ku jira internet ka ay so saarto content yo kala duwan sida sawiro,muuqaalo,cod iyo qoraalba, waxana kamid ah chatgbt iyo DALL·E dabcan wana xirfad mustaqbal ifaya leh, muuqaalkan hoose waxa duubtey free coding camp, wana mid aad u tayo sareeya oo soconaya 28 saac oo xidhiidh ah

Halkan ka raac:

https://youtu.be/mEsleV16qdo?si=iqQWlDSn3Uy8Oj7o

5.Blockchain

Waa nidaam si amni ah lagu maaraynayo maaliyada iyada oo laba ruux iyo wixi ka badanba iskugu diri karaan lacag iyadon loo baahan wax gacan saddexad ah( dilaal ama banks) wana technologyada ay ku dhisantahay cryptocurrencyga iyo si guud lacagaha digital ka ahiba, wana mid kamid ah xirfadaha qiimaha sare ka goyn doona suuqa.

muuqaalkan hoose waxa duubey macadka free coding camp wuxuna soconayaa 32 saac.

halkan ka raac: https://youtu.be/gyMwXuJrbJQ?si=YH9Y2uUjTE-nZBiE

Ugu dambayn hadad tahay shaqsi danaynaya inuu xirfad barto ama horumariyo aqoontiisa dhanka technologyga talada ugu wanagsan waa inad ku salaysid xirfadahan mustaqbalka wanagsan leh ood wakhtigaga galisid sad uga meelgaadhi lahayd.

Ma jirtaa xirfad aad qorshaynayso inad barato 2025?

W/Q:Mohamed Sharif oo ah engineer ay xaqiijisey shirkada Google 

Category