Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta barqadii ka soo degay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yusuf.
Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.
Imaatinka Maxamuud Cali Yuusuf ayaa lagu sheegay in ay tahay booqasho shaqo ayna u jeedkeeda uu yahay sidii dowladda Soomaaliya uu ugala arrinsan lahaa arrimaha amniga oo ay ku jirto hawlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika.