Cadhada ka dhalatay safarka Messi uu ku tagay Sacuudiga

Lionel Messi ayaa raali galin siiyay saaxiibadiis kooxda ka dhisan Paris St-Germain wuxuuna sheegay inuu sugi doono kooxda go’aan ka gaarista tilaabada ay ka qaadi doonto kadib markii uu fasax la’aan ugu safray Saudi Arabia.

Kabtanka Argentina ayaa laga ganaaxay kooxda muddo labo isbuuc ah safarka awgiis.

Waxa ay daba socotay guuldarradii PSG kusoo gaartay gurigeedada ee ay kala kulantay Lorient axadii.

“Waan ka cudur daartay wixii aan sameeyay, waxaana sugayaa waxa ay kooxdu go’aan ku gaari doonto” ayuu Messi ku yiri muuqaal la soo dhigay Instagram-ka.

“Runtii waxaan u heystay inaan heli doono maalin fasax ah ciyaarta kaddib sidii toddobaadyadii hore oo kale.

"Waxaan qorsheynayay safarkan Sacuudiga kadib markii aan horay u baajiyay, markan ma baajin Karin markale."

Messi ayaa ku dhow inuu ka tago PSG marka uu qandaraaskiisu dhaco xagaagan.

Laacibka 35-jirka ah, oo sidoo kale ay kooxdu ganaaxday, ayaa waxa ganaaxiisa loo sababeeyay safarka dalxiiska ee aan horay loo ogeyn ee uu ku tagay Sacuudiga.

Maamulaha PSG Christophe Galtier ayaa sheegay in uusan wax lug ah ku lahayn ganaaxa Messi, isagoo sidoo kale cambaareeyay dibadbaxyada taageerayaasha ee bannaanka guriga ciyaartoyda.

xigasho bbc

Category