Ganacsatada diyaaradaha Soomaaliya oo soo dhaweeyay in dib loo furo duulimaadyada Nairobi iyo Muqdisho

Nairobi (RH)-Dowladda Kenya ayaa shaacisay in ay qaadday xayiraadihii duulimaadyada ee Soomaaliya, sida lagu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Kenya.

Dowladda Kenya ayaa bil ka hor xayiraad ku soo rogtay duulimaadyadii tegi jiray Nairobi iyo kuwii ka immaan jiray Soomaaliya.

Abuukar Xuseen oo ka mid dadka is ka leh shirkadaha diyaaradaha Kenya iyo Soomaaliya u kala goosha ayaa sheegay in 20kii cisho ee hakadka uu ku jiray duulimaadyada in dadka ay mari jireen Uganda iyaguna culeys arrintaas noqotay.

"Culeys weyn ayaa dareenay markii duulimaadyada la hakiyay, waayo dadku waxa ay mari jireen Addis Ababa iyo Kampala dadkana waa ay ku daahi jireen ganacsigeeniniina dib ayuu u dhacay"ayuu yiri Abuukar

Si kastaba,Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in tallaabadan ay dhabbaha u xaari doonto siddii xiriirka labada waddan loo soo celin lahaa.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category