Maamulka masjidka Sheikh Cali Jimcaale oo hadlay dhacdo masajidka ka dhacday salaaddii Ciida ee shalay

RH: Maamulka masjidka Sheikh Cali Jimcaale ee magaalada Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, waxay ugu yeereen munkar ka dhacay masjidka xilli lagu jiray salaaddii ciidul fidriga ee maalintii shalay.

Maamulka masjidka ayaa shir jaraa'id ku sheegay in ragga iyo dumarku ay is dhexgaleen intii salaadda lagu jiray, arrintaas oo ay ku tilmaameen fool xumo weyn oo ka fog diinta islaamka iyo aqlaaqda islaamka.

Maamulka masjidku wuxuu sheegay arrintaan inay ku dhacday, kaddib markii masjidka ay soo buux dhaafiyeen kumanaan kun oo shacab ah oo isaga kala yimid magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay in la waayay meel dadka lagu kala nidaamiyo.

Waxay sheegeen in qaar kamid ah raggii ay dhex galeen qeybtii dumarka ay ku tukanayeen, arrintaas oo ay ku tilmaameen mid ku dhacday qaab aan ku talo gal ahayn, iyo nidaam xumada timid markii masaajidku buux dhaafay.

Waxay sheegeen in ciidamada amniga iyo kooxaha nidaamka ilaalinayay loo awood sheegtay oo ay xamili waayeen culayska badan ee kaga yimid qulqulka dadka .

“Wixii shalay meesha ka dhacay waxay ahayd awood sheegasho. Waxaaba ka baqaynay wax intaas kasii daran. Waxaaba ka baqnay in dad isbuurasho ku dhintaan,” ayuu yiri mid kamid ah culimada maamulka masjidka.

Waa markii ugu horreysay oo Soomaaliya ay ka dhacdo in masjid dhexdiisa ay rag iyo dumar is dhexgalaan xilli salaad lagu jiro.

Category