Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag u dhaliilay madaxweynaha maamulka Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn khudbadiisa Maanta ugu dhaliilay hanaanka uu madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu ku doonayo inuu ku wajaho doorashada Puntland, wuxuuna uga digay Madaxweyne Saciid Deni iyo maamulkiisa inay isku dayaan iney qabtaan doorasho aan la isku raacsaneyn oo keeni karta xasilooni daro siyaasadeed.

Wuxuu ku baaqay madaxweynaha dowladda Fedaraalka in hoggaanka Puntland ay ka feejignaadaan tallaabo kasta oo qalqal gelin karta nidaamkii ay horay ugu soo caana maashay Puntland.

“Madaxda Puntland waa iney tix galiyaan rabitaanka shacabka, ayna dhageystaan talada siyaasiyiinta iyo dhaqanka deegaanka oo ah kuwa ku talinaya waxkasta oo horumar ah oo aanan ogoleyn inuu burbur yimaado, waxaan leyahay talada dhaqanka iyo siyaasiyiinta kama weynidiin ee talada kula noqda, Raalli kama noqon karno in muddoo kooban lagu dumiyo tacab 24 sano aan soo dhiseynay" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhaliisha adag ee Maanta uu jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo mudo badan uu si hoose usoo jiitamayay khilaaf siyaasadeed u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Hadalka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kusoo aadaya, iyadoo Xalay Golaha Wasiiradda Puntland ay ansixiyeen in la kordhiyo xisbiyada siyaasada, taasoo ay kasoo horjeesteen madasha ay ku mideysan yihiin siyaasiyinta mucaaradka ee Puntland.

Category