Muqdisho (RH)-Allaha u naxariisto laacibki weynaa ee xulka qaranka Soomaaliyeed iyo kooxdi Jeenyo marxuum Cantar Jeenyo ayaa ku geeriyooday xaley magaalada Muqdisho.
Marxuumka ayaa la sheegay in xanuun degdeg ah uu ku soo baaday, waxaana loola cararay Isbitaalka Madiina oo goor dambe uu ku geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen eheladiisa walow aan la sheegin nooca uu ahaa xanuunka uu u geeriyooday.
Cantar Jeenyo ayaa saaxaada Sports ka ee Soomaaliya soo galay 1969-kii waxaana uu markiisi ugu horreeyay u ciyaaray Naadigii Bankiga, kadibna waxa uu u cayaaray naadigii Fiyaat, intaa kadib 1971 waxa uu ku biiray Kooxda LLPP Jeenyo oo guul taarikhi ah la gaaray uuna magac ka sameeyay.
Kadib waxa uu ku biiray naadigii Gaadiidka, waxaana uu dib ugu soo laabtay markale naadigiisi LLPP Jeenyo.
Cantar Jeenyo ayaa waqtigiisi Ciyaaraha kusoo gaba gabeeyay naadiga Al-itixaad ee ka dhisan dalka Qatar oo muddo 10sano ah uu u ciyaarayay, Sanadihii ugu dambeeyay waxa uu ku noolaa Dalka Canada.
Marxmuumka ayaa maalmo kooban joogay magaalada Muqdisho. waxaana intii uu joogay dalka Canada uu ka mida ahaa guddiyada abaabulka iyo farsamada lahaa ciyaaraha is dhexgalka ee Qurba Joogta Soomaalida ee sannad kasta lagu qabto dalka Canada.
Allaha u naxariisto waxaa geeridiisa ka tacsiyey madaxda dowladda federaalka iyo kuwa cayaaraha Soomaaliya.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia