Muqdisho oo yeelatay Maayar Cusub

Muqdisho (RH)-War goordhow naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud inuu maayarka caasimadda u magacaabay Maxamed Axmed Amiir oo ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, guddoomiyaha cusub ee Gobolka Iyo Duqa Muqdisho ayaa la faray in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga.

Duqa cusub ayaa baddelay guddoomiyihii horre Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo labo jeer xilkan soo qabtay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category