Oslo: Nin lagu weerarey Seef.

RH: Booliiska caasimadda Norway, Oslo, ayaa galabnimadii Axadda ka jawaabay dhacdo rabshado ah oo aan caadi ahayn. Sida ay ku warameen warbaahinta Norway ee VG iyo NRK, qof ayaa lagu weeraray seef.

Booliiska ayaa helay warbixin galabnimadii oo sheegayay in qof lagu weeraray mindi gudaha Rodeløkka, Oslo. Wax yar kadib, booliiska ayaa bogga bulshada ee X (hore loo oran jiray Twitter) soo dhigay fariintan soo socota:

"Ninka dhibanaha ah ayaa isagu booliiska u soo sheegay kiiska. Booliiska ugu horreeyay ee goobta yimid wuxuu sheegay in dhibanaha aanu si xun u dhaawacmin."

Haddaba, booliiska ayaa bilaabay raadinta gaari cad oo lagu tuhunsan yahay inuu kiiska xidhiidh la leeyahay. Gaariga  ayaa mar dambe  laga helay dhowr kiilomitir meel u jirtaa Rodeløkka, gudaha Økern.

Waxaa ka dhacay in gaadhi mudo kooban  booliisku ku daba jiray ay ka heleen  laba qof oo loo malaynayo inay kiiska ku lug leeyihiin.

"Hal qof ayaa gaariga ka cararay, laakiin booliisku wuxuu ku qabtay meel aan ka fogayn," booliisku sida uu  ku qoray X.

Qof labaad wuu isdhiibey waxaana lagu qabtay gaariga, halkaas oo booliisku ay ka heleen arrin la yaab leh.

"Booliisku waxay gacanta ku dhigeen seef laga helay gaariga," sida uu booliisku wuxuu ku qoray X.

dhibanaha dhaawacmey  oo ah nin da ahaan afartameeyo ah ayaa dhaawac gacanta ka soo gaaray ay  booliisku aaminsan yihiin in uu kayimid seefta laga helay gaariga.

Labada qof ee kiiska looga shakisan yahay ayaa la xiray oo hada maxkamad sugaya.

Category