Rakaab Soomaali ah oo sakhraansanaa oo weeraray shaqaalaha Turkish Airline

Rakaab Soomaali ah oo la socday diyaaradda Turkish Airlines oo ku jirtay duullimaad Istanbul iyo Muqdisho ah, ayaa waxaa la sheegay inuu weeraray shaqaale ka tirsan diyaarada xilli ay hawada ku jirtay.

Kadib markii ay diyaarada gashay hawada dalka Masar ayaa la sheegay in Rakaabka Soomaaliga oo la sheegay in uu sakhraansanaa uu billaabay in uu dhibsado rakaabkii kale ee la socday Diyaaradda.

Intaa ka dib, shaqaalihii diyaaradda ayaa u digay rakaabka Soomaaliga ah, iyagoo ku eedeeyay inuu sakhraansan yahay.

Rakaabkii Soomaaliga ahaa ayaa markaas weeraray shaqaalihii diyaaradda. Katiinad caag ah ayaa lagu xiray rakaabkii falka sameeyay. Duuliyaha diyaaradda Turkish ayaa go’aansaday inuu si degdeg ah ugu soo deggo garoonka diyaaradaha ee Antalya. Markii ay diyaaraddu soo caga dhigatay garoonka Antalya 06:00 subaxnimo ayaa la xiray rakaabkii falkan geystay.

Category