Salaadiin u socda dhexdhexaadinta colaada Laascaanood oo Hargaysa soo gaadhay

Madaxdhaqameed kasoo kicitimay magaalada Muqdisho, oo u socda in ay dhexdhexaadiyaan xukuumada Somaliland iyo garaadada Khaatumo ayaa yimid magaalada Hargaysa.

Salaadiinta oo hore safar ugu tagay magaalada Laascaanood isla markaana la kulmay madaxda dhaqanka Khaatumo, ayaa la rajaynaya in ay kulamo la qaataan madaxweynaha Somaliland iyo madaxdhameedka Somaliland ee iyagu dhankooda ku howlan xal u helista colaada.

"Madax dhaqameedkii mudaba ku maqnaa magaalada Caynaba ee gobolka Sool ayaa halkan ku qaabilay is waraysigayaguna wuu noo danbeeyaa" Suldaan Xasan oo kamid ah madaxda Dhaqanka Somaliland ee u xilsaaran xalinta colaada Laascaanood ayaa sida warbaahinta u sheegay.

Salaadiinta oo uu hogaaminayo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, ayaa markii ugu horaysay la kulmi doona bahda dhaqanka Somaliland ee uu madaxweyne Biixi u xilsaaray in ay la hadlaan garaadada.

Dhamaan dhexdhexaadinihii horay looga sameeyay dagaalka Laascaanood ayaan wax la taaban karo ka badalin xaalada, waxaana laga war sugayaa waxa kasoo baxa ergada cusub iyo hadii ay dhiiga joojin karaan.

Warbaahinta oo madaarka Hargaysa u tagtay imaanshiyahaha odayaasha ayaa loo diiday in ay wax muuqaal ah ka qaataan ama la hadlaan, marka laga reebo muuqbaahiyaha xukuumadda.

Category