Hargeysa (RH)-Dhammaan maamulka iyo hawl wadeenada Radio Hormuud, waxa ay tacsi tiiranyo leh u dirayaan Tifaftiraha Raadiyaha Maxamed Amiin Siyaad Cabdi, geerida ku timid walalkii CabdiNajax Siyaad Aw Cabdi, oo maanta Hargeysa ku geeriyooday.
Waxaa xanuunka iyo tiiraanyada la qaybsaneynaa walaal keen Maxamed Amiin, waxaana tacsi tiiranyo leh u diraynaa dhammaan qoyska reer Siyaad Aw Cabdi, oo aan lee nahay marxuumka Rabbi naxariistii janno haka waraabiyo, qoyskiisa iyo saaxibbadiisana samir iimaan Allaha ka siiyo.
Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.