Tirada dadkii ku dhintay qarixii Maxaas oo gaartay 35

Maxaas (RH)-Dhimashada labadii qarax ee shalay ka dhacay magaalada Maxaas ayaa gaartay 35 qof, halka dhaawuna uu yahay 40, sida uu wakaalada wararka ee Reuters uu u sheegay Xasan-kaafi Maxamed Ibraahim oo ah taliye ku-xigeenka booliiska maamul goboleedka Hirshabeelle.

Dadka ku dhintay qaraxyadan ayaa waxaa ka mid ahaa 10 qof oo isku qoys ahaa, sida uu VOA u sheegay Jaamac Maxamed Cali oo ka tirsan qoyska dhibku soo gaaray.

“Dadka dhintay intooda badan waa dad rayid ah, waana haween iyo carruur,” ayuu yiri Xasan-kaafi Maxamed Ibraahim oo ah taliye ku-xigeenka booliiska dowlad-goboleedka Hirshabeelle oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Weerarkii ka dhacay degmada Maxaas ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee ay maleeshiyada Al-shabaan qaaddo tan iyo markii ay ciidamada dowladda iyo maleeshiyo beeleedka huwanta ah ay sannadkii hore bilaabeen inay Al-shabaab ka saaraan dhul ay muddo dheer gacanta ku hayeen.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadan.

Sannadkii hore ayaa ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ee Mawisleyda oo taageero ka helayay ciidamada Maraykanka iyo kuwa Midowga Afrika ay Al-shabaab ka saareen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Xiggasho: VOA

Category