Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf oo ka hadashay cidda ku cadaadineysa in ay ka tanaasusho xilka AU-da

Muqdisho (RH)-Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo in ka badan 10 sanno xildhibaan ka ahayd baarlamaanka Soomaaliya, ayaa shir jaraa'id oo maanta ay ku qabatey Muqdisho waxa ay uga hadashay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra'iisal wasaare Xamse Cabdi Bare ay cadaadis ku saareen in ay ka tanaasusho tartanka ay ugu jirto xilka guddoomiyaha midowga Afrika sannadka 2025 illaa 2029.

Fowsiyo Yusuf ayaa shirkeeda jaraa’id ugu magac dartay Garnaqsi, waxaana ay ka warbixisay heerarka ay u soo martay musharaxnimada kursigan illaa Madaxweynaha iyo Xukuumadda ay ku taageereen.

Waxa ay sheegtay madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha in ay u sheegeen in ay u tanaasusho dalka Jabuuti, oo ka mid ah dalalka doonaya in ay qabtaan xilkaas.

Waxa ay ka hadashay doorkii ay ka qaateen xorriyadda iyo horumarka Soomaaliya iyada iyo qoyskeeda sida aabbaheed iyo seygeedii Abuukar Maxamed Cabdi Afdooje oo doorweyn ka qaatay dagaalkii Soomaaliya ay la gashay Itoobiya sannadkii 1977-dii iyo kuwa kale.

Waxa ay u mahadcelisay dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo dowladihii kale ee ku garab istaagay in ay u tartanto xilkaas.

Waxa ay sheegtay iyadoo wasiir ah in madaxweyne Xasan Sheekh ay u sheegtay sannadkii 2013-kii in ay u tartami doonto xilka guddoomiyaha midowga Afrika, isagoo u ballan qaaday inuu ku caawin doono.

“Ma yeeli karo in mas’uuliyadaas dhabarka u rito oo aan tanaasulo, maadaama tanaasulkaas, taariikh madow ku xardhan yahay”

Waa markii labaad oo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku qasabto haween kursi u tartameysa inay ka harto, iyadoo Xildhibaan Marwo Bashiir oo u tartameysay kursiga Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka ay ku guuldareystay booskaas, kaddib markii dowladda ay qortay warqad ay ku sheegeysay in aan Musharax u aheyn kursigaas, waxaana xilligaas ay dowladdu ku sababeysay in Soomaaliya ay doonayso kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay iyo ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, sidaasna ay Tanzania ugu badalatay inaan loo tartamin kurisga Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia 

Category