Xukuumada Somaliland Oo Eedaymo UJeedisay Dowlad Deegaanka Soomaalida itoobiya

Hargeysa(RH):-Xukuumada Somaliland ayaa maanta ciidamada Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ku eedaysay inay qayb ka yihiin ciidamada kala duwan ee ka dagaalamaya gudaha Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Sidaasina waxaa lagaga Hadley Shirkii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ay Ka Soo Baxeen 5 Qodob.

War-Saxaafadeedkan ka soo baxay Xarunta qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa u dhignaa sidan:-

                                               WAR-SAXAAFADEED

Fadhigii 108aad ee Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagaga dooday qodobo dhawra, sidoo kalena warbiximo lagaga dhegeystay qaar ka mida golaha wasiirrada.

Qodobada Shirka Golaha Ka Soo Baxay Waxay U Dhignaayeen Sidan:-

1) 26-27-28-kii December 2022 guud ahaan Somaliland waxa looga diyaar garoobayey diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka, Gobolka Soolna wuxuu ka mid ahaa gobollada diyaar-garawgu ka socday ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxase lagu soo beegay shaqaaqooyinka ka dhacay Magaalada Laascaanood, taasoo ujeedadeedu ahayd in lagu burburiyo dimu-quraadiyada iyo nidaamka doorashooyinka, nabada, horumarka, la-dagaalanka Argagixisada iyo la dagaalanka Budhcad baddeeda ee ay Somaliland ku caan baxday, taasoo ay Somaliland uga markhaati kaceen Beesha Caalamku in aan Xeebaha Somaliland marnaba ka dhicin wax Falal budhcad badeed ahi.

2) In Gobolka Sool, gaar ahaan Magaalada Laascaanood ay ka baxaan ciidamada huwanta ah ee ka soo tallaabay xuduuda caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, sida kuwa Maamul Goboleed Soomaaliya ee Puntland, Ciidammada kala duwan ee ay dawladuhu u soo Tababareen Dawladda Federalka Soomaaliya iyo kuwa yimid Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia:-

3) Xukuumadda Somaliland waxay mar-walba diyaar u tahay in arrinta Magaalada Laascaanood lagu dhammeeyo wada hadal, iyadoo hirgelinaysa xabad joojintii bilaa shuruuda ahayd ee hore Xukuumaddu ugu dhawaaqday.

4) Goluhu waxa uu ku boorinayaa in Shacabka Somaliland iyo Hay’addaha Caalamiga ahi in ay sii xoojiyaan taakulada binu-aadannimo ee ay u fidinayaan dadka ka barakacay Laascaanood, taasi oo Xukuumaduna diyaar u tahay in ay fudaydiso wixii gargaar ah ee dadkaasi la gaadhsiinayo.

5) Goluhu wuxuu ku bogaadinayaa Ciidanka Qaranka Somaliland sida Xilkasnimada leh ee ay u dhawreen, una fuliyeen go’aankii xukuumadda ee ahaa inay ku sugnaadaan fadhiisimadooda.

 ALLAA MAHAD LEH

 

Category