Akhriso Heshiiska Somalilandla gashay shirkadda macdanta ka shaqaysa

Hargeysa (RH)-Wasaaradda macdanta iyo tamarta jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa heshiis isfahan wada shaqeyn ah la saxiixatay shirkad laga leeyahay dalka isutagga Imaaraadka Carabta, shirkaddaas oo lagu magacaabo Emirates Industrial Laboratory.

Heshiiskaan is afgaradka wada shaqeynta ah ee labada dhinac ay wada saxiixdeen ayaa ah mid shirkadda laga leeyahay Imaaraadka Carabta u oggolaanaysa in deegaanada Somaliland ay ka hirgaliso qalab sheybaar oo lagu baarayo macdanaha kala duwan ee deegaannadaas laga qodo.

Wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland oo heshiiskaan la saxiixatay shirkadda Emirates Industrial Laboratory, ayaa sheegtay in baahi weyn oo loo qabay qalabkaan sheybaarka ah iyo howlaha la xiriira macdanta Somaliland haatan xal loo helay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in xilligii hore macdanta laga qodo deegaanada Somaliland loo qaadi jiray dalal dibadda ah si loo ogaado nooceeda iyo tayadeedaba.

Agaasimaha guud ee wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland Maxamed Cismaan Siciid (Maxamed Soomaali), ayaa madaxda shirkadda Emirates Industrial Laboratory, la saxiixay heshiiskaan isaga oo ku sugnaa magaalada Dubia.

Agaasime Maxamed Soomaali, ayaa BBC-da uga warbixiyay nuxurka heshiiska is afgaradka ah.

“Waxaanu kala saxiixannay heshiiskii isfahanka koobaad ay maalgalin ku sameeyaan laabka macdanta ee wasaaradda, haddii ay dhisme noqoto iyo haddii ay qalab noqotaba,” ayuu yiri agaasime Maxamed Soomaali.

Waxa uu sidoo kale sheegay in qorshuhu yahay in qeybta sheybaarka macdanta ee wasaaradda laga dhigi doono mid caalami ah oo la jaan qaada sheybaarada dunida ee lagu baro macdanaha, sidoo kale qalabka la filayo in la keeno uu noqdo midka kamid ah kuwa ugu sarreeya bariga Afrika.

Agaasimaha ayaa soo hadal qaaday in macdanta Somaliland laga soo saaro loo qaadi jiray dalal ay kamid yihiin Hindiya, Koonfur Afrika, iyo Dubai, ayna filayaan in taasi ay meesha ka baxdo marka uu heshiiskaan dhaqan galo oo sheybaarada Somaliland la casriyeeyo shirkadduna howlaheeda ka bilowdo deegaanada Somaliland.

Maxamed Cismaan Siciid agaasimaha guud ee wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland, ayaan wax ka weydiinay caqabadaha ay kala kulmaan dirista cadadka macdanta tijaabooyinka ah ee ay dibadda u diri jireen.

Akhriso Heshiiska Somalilandla gashay shirkadda macdanta ka shaqaysa

“Caqabadaha waxaa kamid ahaa in qarash farabadan iyo waqti dheer ku bixijiray sugista natiijada macdanta dalalka dibadda ah loo diray,” ayuu yiri agaasimaha.

Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday in caqabado kale ay jireen oo ay kamid yihiin in maalgashayaasha aysan awoodin in ay ku dhiiradaan soo saarista macdanta Somaliland maadaama aysan wasaaradda heysan qalab lagu hubiyo nooca macdanta iyo tayadeedaba.

Somaliland ayaa horay waxaa dhowr jeer uga dhacay in godad ay ku dumaad dad qodanayay macdan iyadoona arrinkaas ay wasaaraddu ku tilmaamtay in dadka qodanaya aysan u lahayn xirfad sidoo kalena aysan heysan qalab fiican oo ay godadka ku qodaan taasina ay keeneyso in ay ku soo dumaan.

Agaasimaha ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in shirkadaha lala galayo heshiisyada macdan qodista ay laga doonayo inay shaqo abuur iyo hormarinba ka sameeyaan deegaanada laga soo saarayo macdanta.

Sikastaba ah ahaatee heshiiska wada shaqeynta ah ee wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland ay la gashay shirkaddaan laga leeyahay isutagga imaaraadka carabta oo jirtay in ka badan 30-sano ayaa la sheegay in ay ka soo shaqeysay dalal badan iyadoona xarumo ku leh bariga dhexe.

Emirates Industrial Laboratory, ayaa ah hay’ad bixisa adeegyo kala duwan oo ay kamid tahay baarista goobaha ay ku jiraan shidaalka iyo saliidda, sidoo kale waxaa lagu sheegay inay qeyb ka qaadato soo saarista injineero ku xeel dheer shaqooyinkaan iyo qalab kala duwan oo lagu baaro macdanta, sida ay ku daabaceen bogagooda.

Sidoo kale shirkaddaan ayaa ka shaqeysa qiimeynta deegaanka kala saarista birta, iyo kala sifeynta biyaha iyo soo saarista gaaska.

Xigasho: BBC

Category