Dagaal Culus Oo Maalintii 18aad ka socda Magaalada Laascaanood

Hargeysa(RH):-Waxaa maanta magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool ka socda dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo kooxaha hubaysan ee SSC. Oo garab ka helaya ciidamada Maamulka Puntland

Dagaalkan ayaa maanta galey maalintii 18aad isagoo mudadii uu socday uu ka dhashay khasaare balaadhan oo naf iyo maalba leh ,dagaalkan ayaa la sheegay intii uu socday inay ku geeriyoodeen in ka badan 100 qof sidoo kalana ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badani waxaa Iyana ku barakacay in ka badan 200,000 oo qoys.

Xukuumada Somaliland ayaa dhawaan ku dhawaaqday xabad joojin balse waxba kamay hirgalin arintaasi.

Geesta kale waxaa maalmihii u dambeeyey u Amboxay magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool xubno iskugu jira Salaadiin,Ugaasyo,Boqoro,Cuqaal iyo Madaxdhaqmeed kala duwan oo ah ergo isku xilqaamay nabadaynta magaalada laascaanood isla markaasina doonayay inay deegaanka Yagoori kula kulmaan garaadada iyo haldoorka bulshada gobolka sool, waxaana ilaa hada aan suuragalin kulankaasi maadaama oo wali dagaalkii socdo ,waxayna ergadaasi Nabadeed sadex habeen ku sugantahay Magaalada Oog

 

Category