KOLDING – Waxaa saaka baaqday qayb ka mid ah isku-socodka gaadiidka ee jidka weyn ee E45 Sønderjyske Motorvej, gaar ahaan jihada u socota dhanka Woqooyiga (Nordgående).
Caqabaddan ayaa ka dhalatay ka dib markii uu go’ay ama meesha ka baxay mid ka mid ah daboollada bulaacadaha (brønddæksel) ee ku yaalla jidka, taas oo keentay in la xiro haadka midig ee wadada.